Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in tallaabo laga qaado mas’uul u gefay reer K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo soo saaray qoraal xasaasi ah ayaa ka falceliyay hadalkii carada dhaliyay ee kasoo yeeray agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali oo dhawaan ku dhawaaqay hadal ay ka caroodeen reer Koonfur Galbeed.

Yuusuf Garaad Maay iyo Maxaa tiri kusoo jawaabay ayaa sheegay in gef wayn ay tahay in ilmo Itoobiyaan lagu tilmaamo dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in arrinaas ay dhaawaceyso midnimada dalka.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in tallaabo adag laga qaado mas’uulka yiri hadalkaas ee u gefay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Doogey Naaduwaa.

Maay (kor) iyo Maxaa tiri (hoos) ku hoo jawaabteyda:

Bini’aadamké way eya noolegé sheleedis Ilaahey owood ing siyi ini ku dowahé sah iyoonay qaléd shal sheegowsho. Qalédné qaléd mal ké sahaw.

Doogé ané dhugunsidey dad Soomaaliyeed ké tilmaamayi ini eying owlaad Itoobiyaan dhaley Soomaali isku dhikaayang, gef wiino liinku shib erré korné wu.

Gef shal gooyaw Soomaalidé, dhaawa’é koré ini dalké lé wadé difaa’idé, amingki liing baahédéwu.

Way waajib ehé ini tillaabé léku qaadé qofki doogas erré, hoobbé usé hangku hoohine raalligiling maangal eh ingku biiné.

…..

Aadanuhu waa nafleyda keliya ee Rabbi awood u siiyay in ay hadasho, si ay sax iyo qalad u kala sheegto. Qalad laguma saxo qalad.

Hadalka aan dhegeystay ee dad Soomaaliyeed ku tilmaamaaya in ay yihiin carruur Ethiopian dhalay, oo Soomaali iska dhigaya, waa gef ay tahay in aan laga aammusin.

Waa gef kala geynaya Soomaalida, dhaawicina kara in dalka la wada daafaco marka loo baahdo.

Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin.