YUUSUF Garaad oo u caqli celiyay WAARE kadib hadalkii kasoo yeeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynihii hore ee HirShabelle, haatana ah xoghaye ku-xigeenka IGAD Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu ahaa mid uu ku deg-degay.

Yuusuf Garaad oo soo saaray qoraal u muuqday mid uu ugu caqli celinayo Waare, ayaa waxa uu kula taliyay xoghaye ku-xigeenka IGAD inuu ka gaabsado siyaasadaha is-diidan ee dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD.

“Waarow ka gaabso. Ra’yi iyo mowqif siyaasadeed oo aan Golaha Wasiirrada IGAD go’aan ka soo saarin ee isaga u gaar ah, ma aha in uu fagaare la yimaado inta uu xilka IGAD hayo,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa ay adag tahay mas’uul siyaasadda ka gaaray heer Madaxweyne Goboleed, caadana ka dhigtay faaqidaadda siyaasaddu in uu sidaa isu xakameeyo, laakiin xil kastaa wuxuu leeyahay xudduud.”

Waare ayaa dhawaan si yaab leh uga hadlay xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo xulafeysiga Masar iyo Soomaaliya, isaggoo sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u lahayn Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay bur-burka la daala dhaceysay Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad

Waarow ka gaabso.

Walaalkeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon.

Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah.

Midda labaad oo u furan waa in uu uga hadlo si aan baalmarsaneyn, ka cusleyn kana khafiifsaneyn ee si buuxda u waafaqsan mowqifka IGAD oo keliya ay gooyaan Golaha Wasiirrada IGAD ka dibna ay Madaweynayaashu ansixiyaan.

Ra’yi iyo mowqif siyaasadeed oo aan Golaha Wasiirrada IGAD go’aan ka soo saarin ee isaga u gaar ah, ma aha in uu fagaare la yimaado inta uu xilka IGAD hayo.

Waa ay adag tahay mas’uul siyaasadda ka gaaray heer Madaxweyne Goboleed, caadana ka dhigtay faaqidaadda siyaasaddu in uu sidaa isu xakameeyo, laakiin xil kastaa wuxuu leeyahay xudduud.